(Paris) 05 Luulyo 2022. Kooxda PSG ayaa shaqada ka cayrisay tababare Mauricio Pochettino kaddib bilo la isla dhex marayay mustaqbalkiisa kadib markii uu ku guul daraystay ku guulaysiga tartanka xiisaha badan ee champions League-ga.
Kooxda reer France ayaa ku guda jirta isbedelo waaweyn oo ay ku samaynayso naadigga kaddib markii ay heshiis cusub ka saxiixday xiddigeeda Kylian Mbappe – iyadoo weeraryahanka reer France la sheegay in la siin doono saameyn cusub oo kooxda ah.
Tababarihii hore ee Tottenham ayaa ku guulaystay horyaalka Ligue 1 laakiin waxa uu ku guul daraystay in uu keeno garroonka Parc des Princes koobka champions League-ga oo ay kooxdu u baahnayd asigoo heystay shax ay ku jiraan Neymar, Lionel Messi iyo Mbappe.
Warbixin ay soo saartay, kooxda reer France ayaa lagu yiri:
“Paris Saint-Germain waxay xaqiijineysaa in Mauricio Pochettino uu soo afjaray doorkiisii kooxda. Waxaana jeclaan lahayn inaan uga mahadcelino Mauricio Pochettino iyo shaqaalihiisa waxaana u rajeyneynaa nasiib wacan iyo mustaqbal wanaagsan”
Pochettino ayaa ku biiray kooxda reer France bishii Janaayo 2021 heshiis 18 bilood ah asigoo badalay Thomas Tuchel.
Gool FM.