(Paris) 06 Sebt 2022. Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Juventus ayaa caawa kulankoodii koowaad ee Champions League xilli ciyaareedkan ku wada ciyaari doona Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska.
Kooxda reer France iyo midda reer Talyaani ayaa mid waliba waxa ay doonaysaa inay caawa ku adkaato garoonka Parc des Princes, kulankeeda koowaad ee heerka guruubyada Champions League.
PSG ayaa caawa bilaabaysa tartankan weyn oo muddo badan soo ahaa hammigooda ugu weyn, waxaana xilli ciyaareedkii hore tareenka tartanka ka tuurtay Real Madrid, laakiin markale ayay kooxda Faransiiska ah fursad u haysataa inay tijaabiyaan haddii ay qaadi karaan tartankan, waayo waxa ay ku qalabaysan tahay xiddigaha waa weyn ee Messi, Neymar iyo Mbappe.
Ogeysiiska Ciyaarta:-
Tartanka: UEFA – Champions League
Kooxaha: Paris Saint-Germain vs Juventus
Saacadda ay ciyaarta billaabaneyso: 10:00 Habeennimo xilliga Geeska Afrika.
Garoonka: Parc des Princes
Garsooraha: Anthony Taylor (England)
Wararka labada kooxood:-
Macallinka Kooxda PSG ee Christophe Galtier ayaa kulankii horyaalka ee isbuucaan nasiino siiyey Neymar iyo Nuno Mendes, halka xilli hore uu beddel ku sameeyey Kylian Mbappe iyo Marco Verratti.
Maadaama uu dhaawacan yahay Vitinha, waxaa la filayaa in Tababare Galtier uu safka hore ku soo billaaabo Renato Sanches, iyadoo ay u badan tahay inuu kursiga keydka kululeyn doono Fabian Ruiz oo isagu dhowaan kaga soo biiray Napoli.
Dhinaca kale Kooxda Juventus, Goolhaye Szczesny ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyey ee ka dhaawacma, waxaana uu qolka daawaynta kula biiray Paul Pogba iyo Federico Chiesa.
Sidoo kale Angel Di Maria oo xagaagan uun ka tagay Paris isla markaana heshiis bilaash ah ugu biiray Juventus ayaa dhaawac ku maqnaanaya kulankan.
Adrien Rabiot iyo Leandro Paredes ayaa khadka dhexe ku soo wada bilaaban kara si ay u wajahaan kooxdoodii hore, halka Mattia Perrin uu buuxin doono booska uu ka maqan yahay goolhayaha koowaad.
Khadka dhexe ee kulankan waxaa Manuel Locatteli uu kula dagaallami doonaa saaxiibkiisa xulka qaranka Talyaaniga ee Marco Verratti, iyadoo la filayo in Filip Kostic uu hoggaamin doono markale Weerarka Bianconeri.
Shaxda macquulka ah ee labada koox:-
PSG (3-4-2-1): Donnarumma; Kimpembe, Marquinhos, Ramos; Mendes, Verratti, Sanches, Hakimi; Messi, Neymar, Mbappe.
Juventus (3-5-2): Perin; De Sciglio, Bremer, Bonucci, Danilo; Rabiot, Locatelli, Paredes; Kostic, Cuadrado; Vlahovic.
Gool FM.