Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Tababare Didier Deschamps oo shaaciyey xiddigaha xulka France ee wajahaya Austria iyo Denmark… (Benzema, Pogba & Kante oo ka maqan)

$
0
0

(Paris) 15 Sebt 2022. Macallinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha xulkiisa ee ka qeyb-galaya kulammada Austria iyo Denmark, ka hor inta aysan aadin koobka Adduunka ee Qatar.

Xulka qaranka France waxa ay kulamo ka tirsan UEFA Nations League dhammaadka bishan September la kala ciyaari doonaan Austria iyo Denmark, waxaana Macallin Deschamps uu dib ugu yeeray Olivier Giroud kaddib dhaawaca uu la maqan yahay weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema.

Weeraryahanka Kooxda AC Milan ee Olivier Giroud ayaa xulka qaranka France in looga yeero waxaa ugu dambeysay bishii Maarso ee sanadkan 2022, waxaana uu ka maqnaan kulammadii UEFA Nations League ee bishii June ay koobka ku qaadeen.

Wajiyada ku cusub xulka ee uu u yeeray Macalin Deschamps, waxaa ka mid ah Ousmane Dembele oo bandhig wacan ka sameeyey Kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan.

Ka maqnaansha xulka France, Karim Benzema waxaa ku wehliya Paul Pogba, N’Golo Kante iyo Presnel Kimpembe oo dhammaantood dhaawacyo la jiifa.

Haddaba halkaan hoose ka eeg liiska xiddigaha xulka qaranka France oo dhammaystiran:-

Goolhayeyaasha: Hugo Lloris (Tottenham Hotspur), Mike Maignan (Milan), Alphonse Areola (West Ham).

Daafacyada: Benoît Badiashile (Monaco), Jonathan Clauss (Marseille), Théo Hernandez (Milan), Jules Koundé (Barcelona), Ferland Mendy (Real Madrid), Benjamin Pavard (Bayern Munich), William Saliba (Arsenal), Dayot Upamecano (Bayern Munich), Raphaël Varane (Manchester United).

Khadka Dhexe: Eduardo Camavinga (Real Madrid), Youssouf Fofana (Monaco), Mattéo Guendouzi (Marseille), Adrien Rabiot (Juventus), Aurélien Tchouaméni (Real Madrid).

Weerarka: Olivier Giroud (Milan), Ousmane Dembélé (Barcelona), Kylian Mbappé (PSG), Antoine Griezmann (Atlético Madrid), Randal Kolo Muani (Eintracht Frankfurt), Christopher Nkunku (Leipzig).

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles