(Paris) 22 Sebt 2022. Maqaayadda KFC maamulkeeda ayaa ku hanjabaya inay Maxkamadda la kori doonaan xiddiga Kooxda PSG ee Kylian Mbappe.
Madaxda Maqaayadda KFC ee Faransiiska ayaa ku hanjabaya inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan Kylian Mbappe kaddib markii uu go’aansaday inuusan ka qeyb-qaadanin sawirkii xulka qaranka France ee lagu xayeysiinayey Maqaayaddaas.
Arrimo badan oo la xiriir hab-dhaqankiisa ayuu wajahayaan xilli ciyaareedkan Kylian Mbappe, sida inay isku dhaceen Neymar Jr, isla markaana uusan kal ciyaareedkan hal kubbad ku caawin Messi iyo Neymar.
Taasi waxa ay kaliya ahayd kooxda PSG, balse markii uu tagay xerada xulka qarankiisa hadalhaysta Mbappe ma aysan joogsanin, waxaana uu 23-sano jirkaan iska diiday inuu ka qeyb-galo sawirrada xulka ee xayaysiimaha.
Waxa uu siiday inuu qeyb ka noqdo sawirrada xulka France, isagoo Mbappe cuskanaya xuquuqda muuqiisa, isagoo su’aal ka qaba shirkadaha ay xulku xayaysiinayaan iyo sida ay u isticmaalaan sawirradiisa, inkastoo la sheegay in diidmadaasi aysan xiriir la la’ahayn wax lacag ah.
Haatan, waxaa soo baxday in sawirkii uu diiday Kylian Mbappe inay ahayd mid xayaysiin loogu samaynayay Maqaayadda caanka ah ee KFC, waxaana haatan soo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Maqaayadda KFC ee Faransiiska, Alain Beral, kaasoo sheegay inay ka fiirsanayaan inay tallaabo sharci ah ka qaadaan Weeraryahanka PSG.
Beral ayaa u sheegay Sport Business Club: “Waxaan lacag ku bixinnay wax iska cad, haddii aan ka maarmi wayno waxaan qaadaynaa tallaabo sharci ah.”
Xiddigii hore ee kooxda Monaco ee Mbappe ayaa diiddan inuu xayaysiiyo Shirkadaha cuntada fudud ee aan caafimaadka lahayn iibiya iyo Shirkadaha qamaarka, iyadoo xiriirka kubadda cagta Faransiiska ay shaaca ka qaadeen inay dib u eegis ku samayn doonaan siyaasaddooda la xiriirta xayaysiimaha.
Gool FM.