(Barcelona) 14 Okt 2022. Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa dib u furay albaabka soo laabashada halyeyga Argentina ee Lionel Messi, balse wuu diiday inuu si cad u sheego, isagoo ixtiraam u muujiyay naadiga Paris Saint-Germain iyo ciyaaryahanka.
Ilo wareed badan ayaa xaqiijiyay in Barcelona ay isku dayi doonto inay markale la soo wareegto Messi xagaaga soo aadan, kaddib markii uu dhaco qandaraaska uu kula jiro Paris Saint-Germain. Si kastaba ha ahaatee, shaki ayaa ku jira heshiiskan sababa la xiriira inuu xumaaday xiriirka Leo iyo Barca.
Juan Laporta ayaa sharaxay in kooxda ay hadyad gudoonsiin doonto Lionel Messi munaasabada sanadguuradii 18-aad ee kasoo wareegtay markii ugu horaysay ee uu kooxda u safto, wuxuuna sidoo kale ka dhawaajiyay suurtogalnimada uu ciyaaryahanka ugu soo laaban karo Camp Nou.
Wargeyska Sport ayaa shaaca ka qaaday wareysiga uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha kooxda Barcelona Joan Laporta, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:
“Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda, mar walbana wuxuu ku jiraa xusuusta wadajirka ah. Maalinta Axadda waxay noqon doontaa 18 sano markii ugu horeysay ee uu kooxda u safto, waxaana ku fekereynaa inaan siino hadiyad.”
Laporta oo wax laga waydiiyay suurtagalnimada soo laabashada Leo ayaa ku jawaabay:
“Hadda waa ciyaaryahan PSG ah, waxaana u malaynayaa inaanan wax wanaag ah u samaynayn haddii aan ka hadalno, waana inaan ixtiraamnaa.”
“Waxay riyo u noqon doontaa qof walba inuu mar kale arko Messi oo xiran funaanada Barcelona.”
“Sidoo kale waa riyadeyda iyo riyada shacabka.”
Gool FM.