(Paris) 27 Luulyo 2017 Kooxda PSG ayaa waydiisatay dhigeeda Barcelona inay hoos u dhigto qiimaha laacibkooda Neymar.
L’Equipe ayaa baahisay in kooxda ka dhisan caasimada Faransiiska ay waydiisatay Barcelona in la yareeyo qiimaha lagu iibsan karo Neymar ee ah 195 milyan oo Ginni.
PSG ayaa u balan qaaday Neymar inuu mushaar u heli doono 26 milyan oo Ginni sanadkii taas oo ka dhigan in heshiiska Neymar uu ku fariisanayo 352 milyan oo Ginni.
Wararka ayaa intaa ku daraya in milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi aysan dhib ku ahayn inuu bixiyo lacagtaas balse wuxuu ka baqayaa inuu jabiyo sharciga dhaqaale wanaaga ee kooxaha yurub taas oo sababi karta in laga ganaaxo suuqa kala iibsiga.
PSG ayaa ku qasban inay iska iibiso laba kamid ah ciyaartoydeeda, xitaa hadii ay taasi dhacdo waxay ku qasbanaan doonaan in Barcelona ay waydiistaan qiimo dhimis ku aadan lacagaha Neymar JR.
Gool FM