(Monoco) 05 Luulyo 2017. Weeraryahanka sida weyn suuqa looga hadal hayo Kylian Mbappe ayaa ku dhaawacmay kulankiisii ugu horreeyey ee Ligue 1-ga jimcihii.
Xiddigga waxa uu dhaawac ka soo gaaray jilibka middig.
Kulanka oo ay Monoco la dheeleysay Toulouse ayaa Mbappe laga saaray daqiiqadii 74aad dhaawac dartiis.
Hase ahaatee, ciyaarta oo ka socotay gegida Louis II waxaa 3-2 ku badisay Monoco.
18 jirka wuu dhutin karay laakiin waxaa ka muuqday kulanka kaddib xanuun saa’id ah.
Baraf ayaa la saaray meesha wax ka soo gaareen balse xaqiiqada maanta ayaa la ogaan doonaa.
Gool FM.