(Paris) 06 Luulyo 2017. Laacibka dunida ugu qaalisan Neymar waxa uu xalay saarnaa tarbuunka kulankii ugu horreeyey ee ay kooxdiisa cusub Ligue 1-ka dheesho.
Gegida oo dhan, Perc de Princes waxaa lagu heesayey xalay Neymar! Neymar halka la shiday waxyaabaha qiiqa dhaliya.
Garoonka waxaa kula sugnaa Neymar madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaifi.
Brazilian-ka waxaa la filayaa in uu kulankiisa ugu horreeya dheeli toddobaadka dambe oo ay PSG la ciyaari doonto Guingamp.
PSG waxa ay xalay ku badisay 2-0 iyada oo goolasha ka kala heshay Edison Cavani iyo Javier Pastore.
Gool FM.