(London) 09 Agoosto 2017 Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa beeniyay in kooxda reer France ee PSG ay doonayso saxiixa Alexis Sanchez.
Wenger ayaa sheegay in PSG ay mashquul ku hayad dhamaystirka saxiixa Neymar, laakiin wuxuu meesha ka saaray inay doonayeen wiilkiisa Sanchez.
Tababaraha reer France ayaa intaa ku daray in PSG haatan ay doonayso dhamaystirka saxiixa weerar yahanka Monaco ee Mbappe.
“Waqti dheer lama hadlin Nasser Al-Khelaifi, wuxuu aad ugu mashquulsanaa dhamaystirka saxiixa Neymar” ayuu yiri Wenger.
“Laakiin la socoshadayda saxaafada dalka France, PSG ma qorshaynayso saxiixa Sanchez waxa kaliya ay beegsanayaan haatan waa saxiixa Mbappe” ayuu sii raaciyay.
Gool FM