(Catalonia) 10 Luulyo 2017. Neymar waxa uu sugi karaaa muddo dheer ilaa iyo inta uu kulankiisa ugu horreeya uga safano Paris Santt – Germain.
Barcelona waxa ay diiday in ay dhammeyso heshiiska uu laacibka ugu wareegay PSG ee ahaa 222 million euros.
Catalans waxaa looga baahan yahay in ay gudbiyaan shaahado caalami ah oo ku saabsan dhaq dhaqaaqa ganacsi ee dhacay, balse wey daahiyeen.
Hore waxa uu uga maqnaaday kulankii ugu horreeyey ee Ligue 1-ka ee ay uga horyimaadeen Amiens hadana waxa uu seegi karaa ciyaarta axada ee Guingamp.
Ujeeda ugu weyn ee ay Barcelona u daahineyso waa in PSG marka hore 222 million euros ku shubtaa bangiga kooxda.
Gool FM.