(Paris) 14 Agoosto 2017 Laacibka dhawaan taan ka tagay Barcelona ee Neymar ayaa xalay markii ugu horaysay u ciyaaray kooxdiisa isaga oo u dhaliyay gool.
Neymar ayaa sheegay in dadka qaar ay u arkaan katagista Barcelona mid dhimasho ah balse wuxuu cadeeyay inuu wali noolyahay.
Xiddiga reer Brazil ayaa intaa ku daray inuu aad ugu faraxsanyahay kooxdiisa cusub ee PSG oo xalay uu la gaaray guul, wuxuuna noqday xiddiga garoonka.
“Aad ayaan u daganahay, waan ogaa in ka tagista Barcelona ay tahay mid aad u adag, laakiin si wayn ayaan ugu faraxsanahay joogi taankeyga halkaan” ayuu yiri Neymar.
“Dadku waxay u maleeyaan in ka tagista Barcelona ay tahay dhimasho, laakiin saas ma ahan ee waa caksigeeda, waan noolahay in ka badan markii hore”.
“Waan ciyaarayaa aniga oo faraxsan, kubadda cagtu waa isla iyadii kaliya waxaa isbadalay dalkii iyo kooxdii oo kaliya, laakiin kubaddu waa isla kubaddii”.
Gool FM