(Paris) 15 Agoosto 2017 Weerar yahanka reer France ee Kylian Mbappe ayaa ku sii dhawaanaya ku biirida kooxda PSG.
L’Equipe ayaa baahisay in dhamaystirka heshiiska haatan ay soo wajahday caqabad cusub, waxaana suurogal ah in PSG ay wayso laacibka.
Caqabada koowaad ayaa ah, PSG oo laga cabsi qabo inay jabiso sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha qaarada yurub kadib markii ay 222 milyan oo euro ay ku soo qaadatay Neymar.
Caqabada labaad ayaa ah kooxda Monaco oo aan doonayn inay xoojiso koox uu kala dhexeeyo tartan culus oo dhanka horyaalka ah.
Dhanka kale PSG ayaa tartan culus kula jirta Real Madrid oo dhankeeda doonaysa dhamaystirka saxiixa Kylian Mbappe suuqa xaggaagan.
Gool FM