(Europe) 22 Agoosto 2017. Xiddigaha Monaco ee Kylian Mbappe iyo Fabinho ayaa ku dhawaanaya in heshiis ku kacaya 220million oo euro oo u dhiganta (£201m) ugu biiraan kooxda maal qabeenada ee PSG.
Lucas Moura ayaa isna lagu wadaa inay is waydaartaan oo uu dhanka kale ku biiro.
Sky Italy ayaa warinaya in heshiiska uu qarka u saaran yahay in la dhammeystiro isla markaana ay Mbappe iyo Fabinho ku biiraan PSG halka Moura uu isna aadayo Monaco.
Mbappe ayaa isagu dagaal ka kiciyay tababarka naadigiisa Monaco iyadoona laga saaray isla markaana gurigiisa loo diray, taa oo u muuqata inay xaqiijineyso inuu ka tagayo kooxda.
Gool FM.