(Paris) 23 Agoosto 2017 Kooxda PSG ayaa niyad jabisay dhigeeda Barcelona kadib markii ay waydiisatay suurogalnimada ay kula wareegi karaan Di Maria xaggaagan.
Madaxwaynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa xiriir la sameeyay milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi si uu ugala hadlo qaabka ay ku qaadan karaan Di Maria sida ay baahisay Le Parisien.
Laakiin Al-Khelaifi ayaa u sheegay madaxwaynaha Barcelona inaysan jirin fursad Di Maria uu uga tagi karo PSG suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.
Xiriirka u dheexeya labada kooxood ayaa xumaaday kadib markii PSG ay qaab layaab leh uga qaadatay xaggaagan Neymar.
Xurgufta labada kooxood u dhexeysa ee ku aadan heshiiskii Neymar ayaana suurogal ah inuu hor istaago in Di Maria uu u dhaqaaqo Barcelona.
Gool FM