(Europe) 30 Agoosto 2017. Xiddiga ay sida wayn u bartilmaameedsanayeen camaaliqada Serie A ee Juventus iyo Milan Keita Balde ayaa si Rasmi ah ugu biiray kooxda Monaco ee ka dhisan Faransiiska.
Laacibkii hore ee Lazio ayaa kooxda xafidaneysa Ligue 1 ugu dhaqaaqay adduun dhan 30 milyan oo euro iyo 5 milyan oo Bareemiyo ah oo la xiriirta bandhigiisa.
22-jirka ayaa kooxdiisa cusub u saxiixay heshiis ku eg ilaa bisha June 2022, isagoona u xiran doona No.14.
Waxaa xusid Mudan in Monaco ay shalay uun la wareegtay dhaliyihii hore ee Man City iyo Inter Milan Stevan Jovetic.
SAWIRRO:
@keitabalde14 en 30 secondes ⏱ ! #WelcomeToMonaco pic.twitter.com/H51G8ruQsW
— AS Monaco (@AS_Monaco) 29 August 2017
Gool FM.