(Paris) 07 Sebt 2017. Kylian Mbappe waxa uu sheegay in uu diiday ku biiridda Arsenal.
Mbappe waxa uu bartilmaameed u ahaa Arsenal oo aan u soo bixin Champions League kuna dhammeysatay kaalinta shanaad ee Premier League-ga.
Weeraryahanka oo ku hogaamiyey Monoco hanashada Ligue 1-ka ayaa meesha ka saaray in uu marna ku biiri rabay Arsenal ee uu doonayey ku sii naaashaha France.
“Haa, waan la kulmay Arsene Wenger oo ah tababbare wanaagsan,” ayuu Mbappe yiri.
“Sumcad fiican ayuu ku leeyahay France, aad ayaa loo qadariyaa waxa uuna garanayaa sida loo kobciyo da’yarta.
“Tani fursad dhab ahantii ii banana ayey ahayd laakiin, Paris Saint-Germain ayaa ahayn fursadda ugu weyn. Waxaan miisaannay faa’iidooyinka iyo khasarooyinka ay leeyihiin dhammaan kooxaha laakiin qoyskeyga waxa ay ii sheegeyn in aan go’aanka leeyahay waana u baahnaa in aan mid gaaro.
“Sidoo kale waxa ay ahayd in go’aanku ahaado mid muddo dheer. Mid igu xiran ayey ahayd waxaana goostay in aan halkan imaado si aan horumarro .”
Gool FM.