(Paris) 21 Seb 2017 Daafaca kooxda PSG ee Dani Alves ayaa sameeyay arin uu ku heshiisiinayo Cavani iyo Neymar.
L’Equipe ayaa daaha ka qaaday in Dani Alves uu casho ku casuumay Edinson Cavani iyo Neymar si uu u heshiisiiyo.
Alves ayaana ku guulaystay inuu hagaajiyo xiriirkii xumaaday horaantii isbuucaan ee u dhexeeyay Neymar iyo Cavani.
Labada laacib ayaa isku dhacay kadib markii ay ku murmeen rigoore loo dhigay kooxda, Cavani ayaana diiday inuu kubadda uga leexdo Neymar taas oo dhibaato ka dhex abuurtay kooxda gudaheeda.
Gool FM