(Europe) 26 Sebt 2017. Paulo Dybala ayaa ilaa iminka ah dhaliyaha ugu halista badan Yurub kaddib 10-gool uu ku dhaliyay 6-kulan horyaalka Serie A.
Xiddiga reer Argentina ayaa ku dhawaad dhaliyay labo gool kulan kasta uu ciyaaray amaba 47-dii daqiiqaba gool ayuu ku dhalinayay.
Radamel Falcao ayaa labaad soo galay oo 11-gool ku dhaliyay 7-kulan uu ilaa iminka ciyaaray horyaalka Faransiiska.
Weeraryahanka reer Colombia ayaa mar shaqa tagayay 52-daqiiqaba mar.
Flop-kii hore ee Man United iyo Chelsea ayaa xitaa ka sarreeya Lionel Messi kaa oo shabaqa tagayay halkii saacba mar.
Laacibka 5-ta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa gool dhalin waayay ciyaartii ugu dambeysay oo ay ka adkaadeen Girona balse wuxuu leeyahay 9-gool 6-kulan uu ciyaaray horyaalka La Liga.
Xiddigihii isku kooxda ahaa ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Ciro Immobile ayaa kala galay 4-aad iyo 5-aad.
Dhaliyaha reer Gabon ayaa 8-gool u dhaliyay Dortmund 6-kulan uu u saftay horyaalka Bundesliga halka Immobile uu isla goolashaas u dhaliyay Lazio xilli ciyaareedkan horyaalka Serie A.
EEG sida Loo kala horreeyo:
Gool FM.