(Europe) 30 Sebt 2017. Dhaliyihii hore ee Man City, Inter Milan iyo Liverpool ee iminka waqtiga fiican la qaadanaya naadiga Nice ee dalka Faransiiska ayaa loo dhalay wiilkiisii ugu horreeyay isagoona durba u bixiyay Magac la Yaab leh.
Xiddiga reer Talyaani ayaa waxaa horey ugu joogay gabar afar jir ah oo ay u dhashay Raffaella Fico oo ay kala tageen.
Mario ayaa wiilkii ugu horreeyay ee loo dhalo u bixiyay LION (Libaax).
27-jirka ayaa iminka ku riyoon kara in wiilkiisa uu raaci doono raadkiisa isla markaana uu noqon doono laacib kubbada cagta ah kaddib markii ay Khamiistii u dhashay gacalisadiisa cusub.
Clelia ayaa loogu yeeraa gabadha wiilka u dhashay Balotelli, waxay ka soo jeedaa Switzerland waxayna ka shaqeysaa Bangi, galinka kalena waxay u shaqeysa sida Model.
Xiddiga mushkilada badan ayaa si qarsoodi ah jaceyl ula jilayay gabarta lagu magacaabo Clelia.
Horaantii Bishan ayuu Super Mario baraha bulshada soo dhigay Sawir Gabar uur leh isagoona soo raaciyay qoraal ah inuu canug wadada ugu soo jiro.
Laacibka ayaa ku biiray Nice kal ciyaaredkii la soo dhaafay kaddib markii laga soo diray Liverpool, wuxuuna markaa kaddib 24-gool ka dhaliyay horyaalka Faransiiska 36-kulan uu ka soo muuqday.
Gool FM.