(Paris) 03 Okt 2017. Meel ku dhow garoonka kooxda maal qabeenka ee PSG ayaa laga helay walxaha qarxa saacad yar uun ka hor kulankii ay lixda gool uga adkaadeen Bordeaux.
Booliska ayaa la warinayaa inay gacanta ku dhigeen Bomb ka saacado yar ka hor inta aysan taageerayaal dhan 50,000 soo xaadirin gegada Parc des Princes.
Shan ruux ayaa la soo xiray oo lagu tuhmayo inay ku lug lahaan karaan sheekadan.
Ma ahan garoonkii ugu horreeyay ee ku yaala dalka Faransiiska oo ay argagixisadu bartilmaameedsadaan.
Xulka France iyo Jarmalka ayaa ku ciyaarayay gegada Stade de France bishii Feebaraayo ee 2016 kolkaa ay qarax bamboo ku dhinteen 3 ruux.
Gool FM.