(Barcelona) 07 Okt 2017 Barcelona iyo Neymar ayaa isku haystay lacag loo balan qaaday laacibka aabihiis xaggaagii 2016 markaas oo uu heshiis cusub u saxiixay kooxda reer Spain.
Neymar ayaa sanad kadib isaga tagay kooxda Barcelona isaga oo heshiis rikoor ah ugu biiray PSG.
Barcelona ayaana diiday inay bixiso 26 milyan oo euro oo horay loogu heshiiyay, taas ayaa keentay in laacibku uu dacwad u qorto xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA.
Xiriirka kubadda cagta yurub ayaase ku qanci waayay cadaymihii uu u gudbiyay Neymar sida ay baahisay AS.
UEFA ayaa sheegtay in bixinta lacagtu ay ahayd mid ku xiran in laacibku uu sii joogo kooxda taas oo aan dhicin.
Barcelona ayaana sidaas ugu guulaysatay dagaalkii kala dhexeeyay laacibkeedii hore ee Neymar.
Gool FM