(Europe) 03 Nof 2017. Daaficii hore ee Manchester United Patrice Evra ayaa xalay garoonka laga saaray iyadoo aysan xitaa bilaaban kulankii Europe League ay kooxdiisa Marseille la yeelaneysay Vitoria de Guimaraes kaddib markii uu wajiga ka laaday mid ka mid ah taageerayaasha kooxdiisa ee u soo safray Portugal.
Muuqaal la helay ayaa muujinaya in taageerayaasha kooxda reer France iyo ciyaartoydooda ay isku dheceen.
Taageerayaasha ayaa aflagaado nasliga uga qaaday Evra ka hor inta uusan xitaa kulanka bilaaban taa oo keentay inuu is celin waayo daafaca reer France oo markii dambe wajiga haraanti ka galiyay mid ka mid ah taageerayaasha.
Evra ayaa kaarka cas loo taagay oo kulanka laga xanibay iyadoo xitaa la baasan dheesha.
Waxaa loo taag hayaa inuu ganaax ku dhici doono naadiga Marseille iyo waliba ganaax kulul oo la filayo in lagu rido daaficii hore ee Juventus.
DAAWO:
Gool FM.