(Paris) 08 Nof 2017 Laacibka ugu qaalisan adduunka ee Neymar ayaa seegay kulankii kooxdiisu ay 5-0 uga adkaatay Angers horaantii isbuucaan.
Tababare Unai Emery oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in Neymar uu qabo dhaawac sidaas darteedna uu uga maqnaaday ciyaarta.
Laakiin Wargayska Sport ee dalka Spain ayaa baahiyay sababtii dhabta ahayd ee Neymar ku kaliftay inuu seego kulankaas.
Wargayska ayaa sheegay in Neymar la nasiyay maadama kulanku uusan ahayn mid xoogan isla markaana garoonku uu yahay mid aysan imaanayn taageerayaal badan.
Waxaana warkaas sii xaqiijiyay kadib markii Neymar lagu warkay tababarkii ugu horeeyay ee xulkiisa Brazil uu isugu diyaarinayo kulanka jimcaha ay la ciyaarayaan Japan.
Gool FM