(Manchester) 11 Nof 2017 Laacibka qadka dhexe ee Manchester United iyo xulka France ee Paul Pogba ayaa amaanay saaxiibkiis Martial.
Paul Pogba ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay in Martial uu awoodo inuu matalo xulkiisa France koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka.
Tababaraha xulka France ayaa u yeeray Anthony Martial kadib muddo sanad ah oo aan loogu wicin matalaada xulkiisa.
“Kalsooni ayaan ku qabaa in Anthony Martial uu matali karo xulka koobka adduunka ee soo socda” ayuu yiri Pogba.
“Wuxuu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican tan iyo waqtigii is diyaarinta ee xiliciyaareed kaan, haddii uu badal ku yimaado iyo haddii uu ku soo bilowdo intaba wuxuu awoodaa inuu caawiyo kooxda”.
“Anthony waa xirfadle heer sare ah, waa mid kamid ah ciyaartoydii ugu fiicnaa ee aan tababar la qaato ama aan daawado”.
Gool FM