(London) 13 Nof 2017 Laacibka kooxda Chelsea ee Tiemoue Bakayoko ayaa ka xun inaan looga yeerin xulkiisa France.
Tiemoue Bakayoko ayaa sheegay in Kante, Blaise Matuidi, Adrien Rabiot iyo Corentin Tolisso aysan isaga ka fiicnayn kuwaas oo looga yeeray xulka.
Balse wuxuu cadeeyay inuu ixtiraamayo dooqa tababare Didier Deschapms, wuxuuna intaa ku daray inuu rajaynayo in looga yeero xulka koobka adduunka.
“Waan niyad jabsanahay waayo waxaan ku riyoonayay inaan ciyaaro koobka adduunka, hadafka aan hiigsanayo xiliciyaareed kaan waa kaas” ayuu yiri Bakayoko.
“Waxaan rumaysanahay in Adrien Rabiot, Blaise Matuidi, Corentin Tolisso iyo N’Golo Kante aysan iga fiicnayn aniga, waliba aniga oo ixtiraamaya dooqa tababare Deschamps”.
“Dhabtii afartaas waa xirfadleyaal cajiib ah, waa asxaabteyda waana ku faraxsanahay in looga yeero xulka, waxaan rajaynayaa inaan aniguna kula biiro maadam aanan ka yareysan”.
Gool FM