(Paris) 25 Nof 2017 Kooxda reer France ee PSG ayaa diiday ganaax lagu soo rogay oo ay kala kulmeen gudiga anshaxa ee xiriirka kubadda cagta faransiiska.
Gudiga ayaa ku ganaaxay kooxda PSG in la xiro qayb ka mid ah garoonka Parc des Princes kulanka ay soo dhawayn doonaan arbacada kooxda Troyes.
PSG ayaa lagu haystaa inay xakamayn waaysay qaar kamid ah taageerayaasheeda kuwaas oo waxyaabaha holca ku dhex shiday garoonka kulankii ay 3-0 uga adkaadeen kooxda Nice 27-kii Oktober.
Kooxda reer France ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku sheegayso inuusan sharci ahayn ganaaxii lagu soo rogay, waxayna ku eedeeyeen saxaafada inay ka badbadisay arinkaas.
“Waan adeegsanay dhamaan wadooyinka looga hortagi karo in waxyaabaha la shido la soo galiyo gudaha garoonka waliba qaabka ay noogu sheegeen gudiga iskaashatada kooxaha” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay PSG.
“Waan adkeynay amniga anaga oo adeegsanay Eeyaha booliiska ah si looga hortago inay dhacaan arimahaas, waxaan qabanay qaar kamid ah fowdiistayaasha, waxaanan ka ganaaxnay inay soo galaan karoonka markale”.
Maamulka PSG ayaa go’aansaday inay racfaan ka qaataan ganaaxaan laga saaray qayb kamid ah kursiyada taageerayaasha ee garoonka Parc des Princes.
Gool FM