(Paris) 26 Nof 2017 Daafaca PSG ee Marquinhos ayaa sheegay in kooxdiisu ay haysato laacib ka xirfad badan ciyaartoyda ugu caansan adduunka.
Marquinhos ayaa sheegay in Julian Draxler uu yahay laacibkii ugu xirfada badnaa ee uu arko intii uu ciyaarayay kubadda cagta.
Wuxuu sheegay inuu ka hortagay Messi, Ronaldo iyo Neymar balse uusan arkin laacib leh xirfada Draxler oo kale.
“Intii aan ku guda jiray waayahayga waxaan ka hortagay ciyaartoy waa wayn, waxaan ka hortagay Ronaldo, Messi iyo Neymar laakiin Draxler ayaa dhamaantood ka xirfad badan” ayuu yiri Marquinhos.
“Julian waa laacibka xirfadiisa igu soo jiitay, laga yaabee inuusan lahayn orodka ciyaartoydii aan soo sheegay laakiin wuxuu uga adkaanayaa laacibka ka soo horjeeda qaabka uu kubadda u maamulayo iyo aqligiisa xad dhaafka ah”.
Gool FM