(Paris) 30 Nof 2017. Waxaa xalay dib xusuus hore loo galiyey Paris Saint – Germain kaddib markii arbacadii ay ku kala aragti duwanaadeen Edison Cavani iyo Neymar qofka tuuraya gool ku laadka.
Labada ciyaaryahan waxa ay curashadii ololahan isku qabteen cidda leh waajibaadka Kubadda laga laado gudaha xeyn-daabka taas oo uu kolkii dambe tuuray Cavani balse lumiyey iyada oo uu donayey Neymar fursadda in uu helo.
Wixii intaa ka dambeeyey masuuliyadda wey wadaagayeen walow, dhacdadaas ay Neymar ka dhigtay shaqsi aan laga jecleyn PSG.
Hadana, markii xalay Cavani lagu jilaafay xerada ganaaxa ee kooxda Troyes, waxaa lagu kala aragti duwanaaday qofka tuuraya gool ku laadka!
Cavani, ayaa yeelkeede codsaday in loo daayo fursadda, taas oo uu Neymar isaga oo aan jecleyn aqbalay.
Laakiin Cavani kama uusan faa’ideysan oo wuu khasaariyey taas oo keentay in PSG iyo Troyes kulankoodu qeybta hore lagu kala nastay 0-0.
Hadda waxaa cadaalad dhaaftay cadaalad in la yiraahdo Neymar ayaa doorka dambe tuuri doona!
Gool FM.