(Paris) 05 Dis 2017 Kooxda reer France ee PSG ayaa la filayaa inay ganaax kala kulanto xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA.
Khamiista ayaa la filayaa inay kulmaan masuuliyiin ka socda PSG iyo kuwo kale oo ka socda xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA.
Waxaana laga wada hadli doonaa qabkii PSG ay u maaraysay suuqii xaggaaga markaas oo ay soo iibsatay Neymar oo ay ku qarash garaysay lacag dhan 222 milyan oo euro.
Masuuliyiinta ka socda PSG ayaa laga sugayaa inay xaqiijiyaan in kooxdu aysan jabin sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.
Haddii UEFA ay wayso wax cadaymo ah oo ay ku qanacdo, waxaa suurogal ah in PSG ay la kulanto ganaax culus.
Waxaa jira kooxo ka dhisan yurub oo dacwad u gudbiyay UEFA, waxayna dalbadeen in Champions League laga ganaaxo PSG maadama ay jabisay sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.
Gool FM