(Paris) 10 Dis 2017. Neymar ayaa u duulay oo si deg deg ah uga dagay dalkiisa Brazil sababo arrin la xiriirta reerkiisa.
Laacibka reer Brazil ayaa iminka shaki laga muujinayaa inuu safan karayo kulanka Arbacada ay PSG la dheeli doonto Strasbourg.
Xiddiga ugu qaalisan kubbada cagta adduunka ayaa la siiyay ogolaanshaha inuu xaadiro dhibaatada ka taagan reerkiisa sida uu sheegayo RMC Sport.
Laakiin laacibka ayaa heysta oo kaliya saddex maalmood si uu u soo xaliyo dhibaatada ka hor inta uusan dib ugu soo laaban tababarka.
25-jirka ayaa laga ganaaxay kulankii xalay ay PSG 3-1 uga adkaatay Lille kaddib markii uu kaarka jaalaha qaatay kulankii Monaco.
Maadaama la siiyay Kaark cas ciyaartii ay bar baraha 2-2 la galeen Marseille, Jaalihii uu qaatay ciyaarta Monaco ayaa dhaliyay kulan kale oo ganaax dheeri ah.
Laacibkii hore ee Barcelona ayaa aqbaarta xun ee reerkiisa loo soo sheegay intii uu daawanayay kulankii ay xalay adkaatay kooxdiisa.
Goolasha ay ku adkaatay camaaliqada France waxaa u kala dhaliyay Angel Di Maria, Javier Pastore iyo Kylian Mbappe.
Gool FM.