(Madrid) 10 Dis 2017 Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa wadada u furay saxiixa Neymar kadib markii lala xiriiriyay muddo dheer.
Shabakada Calcio Mercato ayaa daaha ka qaaday in saxiixa Neymar uu dhibaato ku yahay laba laacib oo ka tirsan Real Madrid.
Qaab ciyaareedka Marco Asensio ayaa hoos u dhacay bilihii u danbeeyay halka Isco uu muddo dheer raadinayay inuu boos joogto ah ka helo kooxda.
Wararka ayaa sheegaya in Real Madrid ay iska fasaxayso Marco Asensio iyo Isco haddii ay damacdo dhamaystirka saxiixa laacibka reer Brazil.
Xiddigii hore ee Barcelona ayaa la soo sheegayaa inuusan farxad ku haysan kooxdiisa haatan ee PSG.
Gool FM