(Paris) 14 Dis 2017 Tuugo ayaa saaka u dhacay guriga tababaraha kooxda PSG xili uu ka maqnaa sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Faransiiska.
Unai Emery ayaa ku maqnaa tababarka kooxdiisu ay isugu diyaarinayso kulanka adag ee ay la ciyaarayaan sabtiga kooxda Rennes.
Xaaska uu qabo Unai Emery ayaa qudheedu ka maqnayd guriga, waxaana laga qaatay laba funaanad oo uu ku qornaa magaca Neymar iyo alaab qiimo ahaan lagu qiyaasay 20 kun oo euro.
Unai Emery ayaa dagan baartiga 7-aad dabaq ku yaala xaafada 16 ee caasimada Faransiiska.
Booliiska ayaa sheegay inay baarayaan kaamirada qarsoon ee ku xirnayd guriga si loo hubiyo tuugadii u dhacday.
Gool FM