(Sao Paulo) 27 Dis 2017 Neymar ayaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray koobkii adduunka ee 2014 lagu qabtay dalkiisa Brazil.
Laacibka reer Brazil ayaa laga saaray garoonka kadib markii uu dhabarka jilib uga dhiftay daafaca xulka Colombia ee Zuniga.
Laakiin waxaa la ogaaday in Neymar uu waqtigaas ku sigtay inuu socodka gabo, iska daay inuu sii ciyaaro kubadda cagta sida ay dhaqaatiirtu u sheegeen.
Neymar oo uga sheekeeyay Pique qisadii uu kala kulmay dhaqaatiirtii gacanta ku haysay xaalkiisa waqtigaas ayaa yiri:
“Dhaqaatiirtu waxay ii sheegeen inay ii wadaan laba war, mid wanaagsan iyo mid xun, kadib waxaan ka codsaday inay ii hor sheegaan kan xun”.
“Waxay i dheheen, ma ciyaaraysid inta ka harsan koobka adduunka, kadib waxaan waydiiyay oo warka fiican muxuu yahay? waxayna igu dheheen, adiga hada kadib waad awoodaa inaad socoto, haddii dhaawucu uu 2cm (sintiimitir) dhinac u bixi lahaa, kubadda cagta waa ay kaaga dhamaan lahayd”.
Pique oo ka naxay warka Neymar uu u sheegayay ayaa durba la soo booday “Alla ilaahayoow”.
Warka dhaqaatiirta ayaa ahaa in haddii 2cm uu dhaawucu dhinac u badan lahaa in Neymar xitaa uusan awoodeen inuu socdo iska daay inuu kubadd ciyaaree.
Gool FM