(Turin) 20 Jan 2018. Juventus waxa ay qorsheeneysaa in ay miiska dalab ay ku dooneyso Edison Cavani u saarto Paris Saint-Germain xilli la sheegay in Uruguay-yaanka uusan cago badan ku taagneyn.
Waxaa aad u sii xumaanaya xiriirka Cavani iyo Neymar iyada oo uu Brazilian-ka u diiday fursaddii uu ku noqon lahaa dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kooxda kulankii ay 8-0 uga badiyeen Dijon.
Brazilian-ka wuu dhaliyey rikoorada balse waxaa ku ooriyey jamaahiirta oo ka carooday go’aankii uu ugu diiday Cavani.
Waxaa la qabaa in uu aad uga gubtay Cavani tallaabadii Neymar hadana uu raadinayo wado uu uga tago PSG.
Corriere dello Sport, waxa ay qortay in Juventus ay diyaar u tahay soo dhaweynta Cavani.
Cavani qandaraas ayuu usaxiixay PSG bisii April sanadkii hore.
Gool FM.