(France) 08 Feb 2018. Baaraleey ayaa banadi karta kulanka ay PSG usbuuca soo socda la yeelan lahayd kooxda Toulouse.
Wadooyinka magaalada Toulouse ayay Beeralaydu ku jareen baabuurta waa wayn ee Cagafka si uu u xayirmo isku socodka Gaadiidka, waxay kaloo xitaa wadooyinka ku gubeen taayaro.
Baaraleyda ayaa ka cabanaya sharci cusub oo lagu soo rogay kaa oo hoos u dhigaya dhulka wax lagu beerto.
Sharciyada cusub ee la soo rogay ayaa ugu yaraan £9,000 sanadkiiba hoos u dhigaya dakhliga soo gali lahaa shaqsiga beeraleyda ah.
Xaalada ayaana faraha ka bixi karta iyadoo ay wararka qaar sheegayaan in dadka tuulada dagan ay dhiman doonaan haddii la maqli waayo cabashadooda.
Toulouse oo kaalinta 15-aad kaga jirta Ligue 1 ka dalka Faransiiska ayaa marti galineysa kooxda hogaamineysa horyaalka ee PSG.
Haddii ay dhacdo in Beeraleydu banado kulanka waxay dan wayn ugu jiri doontaa PSG oo helaysa nasiino fiican maadaama ay la ciyaari doonaan Real Madrid tartanka Champions League.
Gool FM.