Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Siddeed waxyaabood oo laga bartay guushii ay Man City ka gaartay Paris Saint Germain… (Sky Blue oo markii ugu horreysay iska xaadirisay afar dhammaadka CL)

$
0
0

(Machester) 13 Abriil 2016 – Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa soo dhawaysay xalay naadiga reer Faransiiska ee Paris Saint Germain lugta labaad ee siddeed dhammaadka Champions League, iyadoo uga adkaatay 1-0.

Lugtii hore ee ka dhacday caasimadda Faransiiska ayaa ku soo dhammaatay barbaro 2-2, iyadoo Man City ay mininkeeda gool madi ah ku macsalaamaysay PSG.

Kulankan ayaa lagu kala nastay barbaro goolal la’aan 0-0, inkastoo uu Aguero gool ku laad ama rigoore ka lumiyey qeybtii hore kooxdiisa Man City.

Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay ayey Man City la timid goolka guusha waxaana ku hoggaamiyey 76’daqiiqo Kevin de Bruyne, sidaas ayey PSG tartanka uga hartay, isla markaana ay Man City ku gaartay afar dhammaadka Champions League isku cel-celis goolal gaaraya 3-2.

Xaqiiqooyinka kulanka:-

>- Kooxda Manchester City ayaa markii ugu horreysay taariikhda gaartay afar dhammaadka Champions League.

>- Goolkii guusha Kevin De Bruyne ee kulankan ayaa ahaa shuutkii ugu horreeyey ee bartilmaameed toos ah oo ay samayso kooxda Manchester City kulankan.

>- Kevin De Bruyne ayaa labada lug ee siddeed dhammaadka Champions League ka dhaliyey shuut-kiisii ugu horreeyey ee bartilmaameed toos ah kooxda PSG.

>- PSG ayaa hal mar kaliya guul gaartay siddeed kulan oo ay tartammada Yurub meel ka baxsan garoonkeeda kula soo ciyaartay kooxaha Ingiriiska, (1 guul ayey gaartay, 3 barbaro, 4 waa laga adkaaday.)

>- Manchester City ayaa ka mid noqotay 10 kooxood oo kala duwan ee reer England ah, kuwaasoo gaaray afar dhammaadka Champions League ama European Cup, kaddib ArsenalAston Villa, Chelsea, DerbyLeedsLiverpool, Man Utd, Nottm Forest & Spurs.

>- Man City ayaa kaliya ah kooxdii afaraad ee reer England oo gaartay afar dhammaadka Champions League tan iyo 2010-11, horay waxaa u gaaray Man Utd 2010-11, Chelsea 2011-12, Chelsea 2013-14.

>- Sergio Aguero ayaa khasaariyey labo ka mid ah saddexdii rigoore oo uu Champions League u tuuray kooxda Man City,  kaddib markii uu dhaliyay mid kasta oo ka mid ah shantii hore ee iyaga loogu talagalay.

>- Zlatan Ibrahimovic ayaa ku guuldarraystay inuu gool dhaliyo kulankan, kaddib markii uu gool dhaliyey mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeeyey Champions League oo uu ciyaaray ka hor kulankan.

de bu

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles