(Paris) 06 Maarso 2018 Daafaca kooxda PSG ee Dani Alves ayaa ka hadlay kulanka adag ee caawa kooxdiisu ay soo dhawayn doonto Real Madrid kulanka lugta labaad.
Dani Alves ayaa daaha ka qaaday balan uu ka qaaday saaxiibkiis Neymar kaas oo caawa dhaawac ku seegaya kulanka Real Madrid kadib qaliin lagu sameeyay.
Wuxuu sheegay in isaga iyo Neymar ay ku balameen inay isku arkaan kulamada soo socda ee Champions League taas oo ka dhigan in balantu tahay in la reebo Real Madrid caawa.
“Maalin walba ayaan wada sheekeysanaa Neymar, waxaanan ku heshiinay inaan isku aragno kulamada dambe ee Champions League” ayuu yiri Dani Alves.
“Sida dhaqanka noo ah, marwalba waan ilaalinaa balanta, dhab ahaan waxaan rajaynayaa inaan isku arki doono wareegyada xiga ee Champions League kadib marka aan reebno Real Madrid”.
“Waa inaan reebnaa Real Madrid si nalooga cabsado, horay ayaan u sheegay in Paris aanan u imaan inaan ku noolaado oo kaliya, waxaan u imid inaan tartamo oo aan qayb ka noqdo taariikhda kooxdaan”.
Gool FM