(Paris) 22 Maarso 2018 Dhaqtarka kooxda PSG ayaa daaha ka qaaday arin murug leh oo soo wajahay laacibka kooxda PSG kadib dhaawicii ka soo gaaray anqowga.
Laacibka ayaa maray qaliin si loo bad baadiyo anqowgiisa isla markaana uu taam ugu noqdo kulamada xulkiisu uu ciyaarayo koobka adduunka.
Dhaqtarka ayaa xaqiijiyay in musmaarka lagu kabo anqowga uu inta badan qofka ku jiro lugtiis inta uu nool yahay taas oo ka dhigan in musmaarka lagaliyay lugta Neymar uu ku jiri karo waqti badan.
“Inta badan musmaarka lagaliyo anqowga gudihiisa waligiis waa uu ku jirayaa lugta qofka” ayuu yiri dhaqtarka kooxda PSG.
“Laakiin waa suurogal in laga saaro haddii uu sababo xanuun iyo dhibaato kale, 8-maalin oo kaliya ayuuna qofku u baahan karaa si uu uga soo kabto marka laga saaro kadib”.
Wargayska Sport ayaa sheegay in loo badinayo in Neymar laga saaro musmaar kaas lugtiisa maadaama ay adag tahay in laacib ciyaaraya kubadd uu musmaar ku jiro anqowgiisa laakiin soo kabsashadiisa ayaa noqon doonta mid aan ka badan 10-maalin haddii laga saaro.
Gool FM