(Paris) 22 Maarso 2018 Neymar ayaa tilaab wayn u sii qaaday qorshaha uu ugu biirayo kooxda Real Mdarid oo ay ka go’an tahay soo xerogalintiisa.
Wargayska reer Brazil ee UOL Esporte ayaa xaqiijiyay in wakiilka wayn ee Pini Zahavi uu la wareegay hogaanka qorshaha Neymar uu ugu biirayo Real Madrid.
Wakiilada Neymar iyo Pini Zahavi ayaa kulan ku qaatay mid kamid ah Hotelada dalka Brazil isbuucii hore, halkaas oo looga wadahadlay dalabka Real Madrid ay ka soo gudbisay Neymar.
Pini Zahavi waa shaqsigii ka caawiyay Neymar inuu ka tago Barcelona oo qiimo dhan 222 milyan oo euro uu ugu wareego kooxda PSG suuqii xaggaaga.
Sida muuqata haddii Pini Zahavi uu markale ku lug leeyahay ku biiridiisa Real Madrid waxay ka dhigan tahay in laacibku uu tilaabo u jiro xirashada funaanada kooxda boqortooyada Spain.
Xiriir aad u fiican ayaa ka dhexeeya madaxwaynaha Real Madrid iyo ninka reer yuhuud ee Pini Zahavi kaas oo dhawaan noqday wakiilka Lewandowski oo isna qarka u saaran kooxda reer Spain.
Gool FM