(Paris) 24 Maarso 2018 Mid kamid ah ciyaartoyda kooxda PSG ayaa xaqiijiyay in la fasaxayo tababare Unai Emery dhamaadka xiliciyaareed kaan.
Qandaraaska Emery ee PSG ayaa dhacaya bisha June ee sanadkaan, wuxuuna ku guul daraystay inuu Champions League u qaado kooxda labadii xiliciyaareed ee uu joogay.
Daafaca PSG ee Thomas Meunier ayaa si aan ganbasho lahayn u sheegay in wax badan laga badalayo kooxda oo uu ku jiro tababaraha.
26 jirkaan reer Belgium ayaa wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa PSG, wuxuuna ku jawaabay:
“Wali wax go’aan ah kama gaarin mustaqbalkeyga PSG, waxaan sugayaa isbadalka ka dhacaya kooxda waayo wayaabo badan ayaa la badalayaa sida tababaraha”.
“Daqiiqado ka badan xiliciyaareedkii hore ayaan ciyaaraa haatan, waxaan doonayaa inaan ka faa’idaysto fursad walba oo aan helo, waa inaan ciyaaraa waayo ma ihi 18 jir ee waxaan ahay 26-jir”.
Gool FM