(Paris) 10 Abriil 2018 Neymar ayaa aad uga carooday tilaabadii ay qaadeen maamulka PSG ee ah tababaraha badali doona Unia Emery.
Laacibka reer Brazil ayaa sugayay in kooxdiisu ay la so saxiixato tababare leh magac wayn, balse lama uusan dhicin in kooxda tababare looga dhigo Thomas Tuchel.
Neymar ayaa la yaabay in kooxda tababare looga dhigo Thomas Tuchel oo aan khibrad badan u lahayn kooxaha ugu wayn yurub sida ay baahisay Don Balon.
Wuxuuna durba go’aansaday inuu raadiyo wadadii uu uga tagi lahaa PSG isla markaana uu ugu biiri lahaa Real Madrid oo si wayn u doonaysa saxiixiisa.
Tan iyo markii uu ka tagay Barcelona ayaa lala xiriirinayay Neymar JR inuu ka tagayo PSG isla markaana uu ku biirayo kooxda tababare Zidane.
Gool FM