(Paris) 05 Abriil 2016. Daafaca reer Brazil ee mar u soo ciyaaray kooxda AC Milan ayaa daaha ka rogay sheeko qaraaxo badan taa oo dhex martay joog dheeraha reer Sweden Zlatan Ibrahimovic iyo ma gambadaha reer Talyaani ee Gennaro Gattuso.
Kabtanka kooxda PSG ayaa sheegay in waayahoodii AC Milan uu Zlatan baaldiga qashinka ku riday Gattuso kaddib markii uu kaftan ku kululeystay.
Saddexda laacib ayaa u soo wada ciyaaray kooxda reer Talyaani iyagoo ka caawiyay horyaalka Serie A 2011, ka hor inta aysan Ibrahimovic iyo Silva ku biirin Paris Saint-Germain sanadii xigtay, wuxuuna daafaca daaha ka rogay sheeko qosol leh oo ku saabsan weeraryahanka aragagaxa leh.
Inta badan xiddigaha ka soo horjeeda ayaa la kulma dhanka xun ee Ibrahimovic, laakiin saaxiibkii ay isku kooxda yihiin Gattuso ayaa ahaa kan bartay dhanka adag ee ninka xooga badan kaddib markii uu foorjo feeraha ku jaray.
“Geesiga sheekadan waa Zlatan Ibrahimovic,” xiddiga reer Brazil Silva ayaa sidaa u sheegay Sky Deutschland.
“Maalin maalmaha ka mid ah, intii lagu guda jiray tababarka, Guttuso ayaa subixii oo dhan ku qaatay inuu ku kaftamo Zlatan. Wuu ka xanaajinayay, Laakiin Zlatan ayaa iska liqay iyadoo uusan haba yaraatee wax oran, xaqiiqdiina aargoosigiisu goor dhow ayuu dib ka iman.
“Guttuso iyo Ibra markale ayay ku kulmeen qolka dhar badelashada kaddib tababarka, Zlatan ayaana kor u qaaday dhammaan saaxiibadiisa, inta gadiyay isaga ayuu ku tuuray baaldiga qashinka.
“Waali cas ayay ahayd, dhammaan waxaan bilownay inaan qosolno innagoo ka fikireyna wajiga Gattuso. Waan dhaaranayaa usbuuc ma aanan joojin karin qosolka.
Ibrahimovic ayaa intaa kaddib ku hogaamiyay PSG afar jeer oo is xigta horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, halka Guttuso oo ciyaaraha isaga fariistay uu tababare u yahay kooxda Pisa ee ka ciyaarta heerka saddexaad ee horyaalka Talyaaniga.
Gool FM.