Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Karim Benzema oo weerar ku qaaday madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee dalka Fararsiiska

$
0
0

(France) 30 Maajo 2018. Karim Benzema ayaa dabka kusii shiday madaxweynaha xiriirka kubada cagta ee dalka faransiiska FFF ee Noël Le Graët, kadib markii uu dhawaan ka hadlay sababta Benzema loogaga saaray liiska xulka qaranka.

Weeraryahanka xulka qaranka france ayaa ka maqan liiska xulka qarankiisa France tan iyo 2015, kadib markii uu ku lug yeeshay fal anshax daro ah. Inkastoo ay maxkamada cadeesay inuu dambi laawe yahay, hadana arintan ayaan wax ka badalin go’aanka tababare Didier Deschamps, wuxuuna ka saaray markale dhacdada koobka aduunka ee 2018.

Madaxweynaha FFF Noël Le Graët ayaa wuxuu yiri: “Waa sheeko qadiimi ah, haatan ma soo laaban karo, qof walba ayaa ka war qaba inuu yahay ciyaaryahan fiican, waa weeraryahanka joogtada ah ee kooxda Real Madrid”.

“Laakiin France wuxuu qeyb ka noqday taariikhda, sababtoo ah waxaan heysanaa sharciyo inoo gaar ah, isla markaana aanan laga laaban Karin”.

Laakiin Benzema oo ka careesnaa hadalka Madaxweynaha FFF Noël Le Graët ayaa wuxuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray: “Mr. Noël Le Graët, waxaan kuu hayaa ixtiraam buuxa, laakiin waxaan lumiyay dulqaadkii aan ku aamusnaan lahaa, waxaad soo bandhigtay wajigaaga dhabta ah, ma tihid shaqsigii ii sheegay inuu I jecel yahay, isla markaana uusan fara galin ku sameyn doonin go’aanada macalinka”.

Gool FM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles