(PSG) 02 Juunyo 2018. Paris Saint-Germain ayaa wali sameeneysa isku day ay ku dooneyso saxiixa khadka dhexe xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid Casemiro, inta lagu gudi jiro suuqa xagaaga.
Macalinka cusub kooxda Paris Saint-Germain ee reer Germany ee Thomas Tuchel ayaa ku cadaadinaya maamulka kooxda in ay u sameeyaan saxiixa khadka dhexe kooxda Real Madrid Casemiro.
Wargeyska Globe Sports ayaa wuxuu sheegay in Real Madrid aysan ku fikiri doonin iibinta Casemiro, marka uu furmo suuqa xagaa qiima kasta ee laga soo gudbiya.
Casemiro ayaa wuxuu waayo wanaagsan ku qaadanayaa kooxda Real Madrid tan iyo markii uu kaga soo laabtay heshiiskii amaaxda uu kaga maqnaa kooxda Porto, isagoo lasoo sheeqeeyay xiliyadii Benitez iyo Zinedine Zidane.
Gool FM.