Quantcast
Channel: France – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka France Noël Le Graët oo qalbi jab ku riday Zidane kadib markii uu xaqiijiyay…..

$
0
0

(France) 08 Juunyo 2018. Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka Faransiiska (FFF)  Noel Le Graet ayaa wuxuu ka jawaab celiyay wararka ku aadan in Zinedine Zidane uu leylin doono xulka qaranka France kadib koobka aduunka 2018.

Noël Le Graët ayaa wuxuu xaqiijiyay in macalinka haatan leeliya xulka qaranka France ee Didier Deschamps uu sii wadan doono shaqadiisa ilaa iyo uu ka dhamaanayo heshiiskiisa gaarsiisan ilaa iyo sanada 2020.

Madaxweynaha xiriirka kubada cagta dalka Faransiiska ayaa dhinaca kale carabka ku adkeeyay inuusan wax wada hadal ah la yeelan macalinkii hore kooxda Real Madrid Zidane.

“Deschamps wuxuu heystaa heshiis gaarsiisan ilaa iyo sanada 2020, wuxuu sii wadi doonaa shaqada tababarka xulka qaranka France ilaa iyo heshiiska uu ka dhacayo”.

“Waxaan ka codsanayaa qof walba in uu soo afjaro doodan, waxaana ku kalsoonahay inaanan la kulmin ama aan la hadlin Zidane tan iyo markii uu ka tagay Real Madrid, dhab ahaantii wuu iga yaabiyay go’aankiisa”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 2836

Trending Articles