(Liverpool) 09 Juunyo 2018 Liverpool ayaa shalay la filayay inay ku dhawaaqdo saxiixa kubadd abuuraha kooxda Lyon iyo xulka France ee Nabil Fekir.
Waxaana si lama filaan ah hakad u galay wararkii ku aadanaa Nabil Fekir kaas oo looga shakiyay inuu ka gudbi waayay baaritaanka caafimaadka ee kooxda Liverpool.
Laakiin madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta France ayaa goor dhaw xaqiijiyay in Nabil Fekir uu ku sii jeedo kooxda Liverpool.
Wuxuu intaa ku daray in baaritaankii uu maray uusan kala kulmin wax dhibaato isla markaana laacibku uu u diyaar garoobayo xirashada funaanada Reds.
Madaxwaynaha xiriirka kubadda cagta France oo la hadlay Le Progres ayaa yiri:
“Muddo dhan 15-daqiiqo ayaan arkay saaka, wuxuu dhexda uga jiray wadahadaladii, waxaan rumaysanahay in heshiisku uu dhamaystirmayo”.
“Kalsooni ayuu ku qabaa taas (Ku biirida Liverpool) waayo tijaabadii caafimaadka ee uu maray waxay ahayd mid uu ka gudbay”.
Gool FM