( Paris ) 12 Juunyo 2018. Xubno kamida kooxdii France u qaaday koobkii adduunka 1998 ayaa dib u kulmay 20 sano kadib guushii ay 3-0 ay ku garaaceen Brazil finaalkii cayaarahaas.
Christian Karembeu, Fabien Barthez, Lionel Charbonnier, Robert Pires, Zinedine Zidane, Youri Djorkaeff, Vincent Candela, Alain Boghossian, Laurent Blanc iyo Sabri Lamouchi waxay dhamaantood ka qeyb galeen 20 sano guuradii kasoo wareegatay markii u horeysay uu xulka France ku guuleystay koobka adduunk oo ka dhacay Saint-Denis.
Laba gool uu dhaliyay Zidane iyo gool ka yimid Emmanuel Petit ayay ku xaqiijiyeen guushii ay ka gareen Brazil finaalkii cayaaraha adduunka ee ka dhacay garoonka Stade de France oo ku yaalka magaalada Saint-Denis ee waqooyiga Paris.
Halyeeyga France oo dhawaan iska casilay shaqada kooxda Real Madrid ayaa sawirro la galay carruurta magaalada isagoo hadal ka jeediyay dabaaldaga sanad guurada..
45 jirkaan ayaa ka qeyb ahaa finalka French Open oo maalintii axada uu guul ku gaaray Rafael Nadal kaa oo garaacay Dominic Thiem.
Xiddigii hore ee kooxda Monaco, Paris Saint-Germain iyo Inter Milan Djorkaeff, kaa oo sido kale u cayaaray Bolton iyo Blackburn, ayaa waxa uu ku sugnaa final Roland-Garros.
Laacibkii weyna ee naadiga Arsenal Pires kaa oo cayaaray kulankii kooxda adduunka ee la dheelay England cayaartii ka dhacay Old Trafford axadii ayaa qeyb ka ahaa dabaaldaga Qarankii hore ee France.
Dhanka kale kooxda Didier Deschamp ayaa sii watadaan diyaar garowgooda koobka adduunka maadaama ay ku suganyihiin Russia.
(Bidix ka Bilaaw ) Christian Karembeu, Fabien Barthez, Lionel Charbonnier, Robert Pires, Zinedine Zidane, Youri Djorkaeff, Vincent Candela, Alain Boghossian, Laurent Blanc and Sabri Lamouchi
Gool FM.