(Moscow) 13 Juunyo 2018 Daafaca reer France ee Adil Rami ayaa lagu qasbay xalay inuu si ku meel gaar ah u xayiro akoonkii uu ku lahaa barta Twitter-ka.
32 jirkaan ayaa dhaawac gaarsiiyay laacibka xulka France uu ku tashanayo koobka adduunka ee Mbappe, kaas oo shaki la galinayo inuu ciyaari karo kulanka furitaanka.
Adil Rami ayaa si xun u jilaafay Kylian Mbappe kaas oo laga saaray tababarka xulka qaranka France, arinkaas waxaa u dul qaadan waayay taageerayaasha xulka Faransiiska.
Durba waxay weerar ku bilaabeen akoonka Adil Rami uu ku lahaa barta Twitter-ka, balse laacibka ayaa go’aansaday inuu si ku meel gaar ah u xayiro akoonkiisa si uusan u arag weerarka ku socda.
Gool FM