(France) 13 Juunyo 2018. Mbappé ayaa maanta laabta u qaboojiyay jamaahiirta xulka qaranka France, kadib markii uu sheegay in dhaawaciisa uusan ahayn mid daran, kadib dhaawacii kasoo gaaray tababarkii shalay.
Waxaa la filayaa in laacibka uusan qeyb ka noqon doonin qorshaha Didier Deschamps kulanka ugu horeeya ay kula ciyaari doonaan koobka aduunka 2018 dhigooda Australia maalinta sabtida ee soo aadan
Xidiga kooxda PSG ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laaban doono xulka qaranka France kulanka 3-aad ay kaga ciyaari doonaan Group C.
Laakiin Didier Deschamps ayaa wuxuu dib u helay Djibril Sidibé oo maanta dib ugu soo laabtay tababarka xulka qaranka France iyo sidoo kale Samuel Umtiti, kadib markii la xaqiijiyay bad qabkooda.
Gool FM.