(Moscow) 17 Juunyo 2018 Waxaa si xoog leh u soo baxay warar sheegaya in Ronaldo iyo Nasser Al-Khelaifi ay ku kulmeen dalka Ruushka.
Milkiilaha kooxda reer France ee Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegay inuu xaadir ku ahaa garoonkii lagu ciyaarayay kulankii Spain iyo Portugal ee jimcihii.
Laakiin Marca ayaa daaha ka qaaday in warkaas uu yahay waxba kama jiraan, wargayska ayaa xaqiijiyay in Ronaldo uusan ku jirin qorshaha PSG.
Nasser Al-Khelaifi ayaa la sheegay inuu ku sugnaa dalkiisa Qatar kulankii Spain iyo Portugal markaas oo Ronaldo uu dhaliyay 3-leey.
PSG diyaar uma ahan inay wadahadal la gasho Real Madrid, mana ku fikirayso inay is dhaafsadaan Ronaldo iyo Neymar ayaa lagu yiri war bixinta.
Kooxda reer France ayaan diyaar u ahayn saxiixa Ronaldo maadaama ay ka baqayso inay jabiso sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub.
Gool FM